Diyaarad Helicopter AUSSOM Ah Oo Ku Burburtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Maamulka Ayaa Xaqiijiyay In Uu Dab Ka Kacay Iyo Shaqaaqadii Ay Wadaan.

Muqdisho, – Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee AUSSOM ayaa saaka burburtay xilli ay doonaysay inay ku degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradan oo ka soo kacday Balidoogle ayaa waxaa la socday 8 qof oo saarnaa xiliga uu shilku dhacayay. Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa si deg deg ah u xakameeyey dab ka kacay shilka kadib, waxaana wali aan hakad la gelin howlaha garoonka.
Maamulka ayaa hadda qiimeyn ku sameynaya xaaladda, mana jirto ilaa hadda war rasmi ah oo ka soo baxay xaaladda shaqsiyaadkii la socday. Sababta shilkan ayaa waxaa ku socda baaritaan.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda wax yar ka dib markii uu falkaasi dhacay. Wuxuu xaqiijiyay in gabi ahaanba la damiyay dabkaasi, islamarkaana garoonka uu si caadi ah usii shaqo bilaabay.
“Xaaladdu gacanta ayaa lagu hayaa, dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan si buuxda ayay u shaqaynayaan—duulimaadyadu way soo degi karaan oo u kici karaan sidii caadiga ahayd,” ayuu yidhi Agaasime Axmed Macallin.
In kasta oo shilku uu walaac ka muujiyay, saraakiishu waxay u xaqiijiyeen dadweynaha in hab-maamuuska degdegga ah si degdeg ah oo waxtar leh loo fuliyay, laga hortagayo waxyeello kale iyo hubinta badbaadada rakaabka kale iyo shaqaalaha garoonka.
Dowladda Federaalka iyo maamulka duulista hawada ayaa la filayaa in ay soo saaraan xog dheeri ah oo ku saabsan waxa sababay burburka diyaaradda iyo xaaladda shaqaalihii diyaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *